543 Views

Taliye ciidanka Asluubta Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo sheegay in markii lagu mashquulay siyaasadda

Taliye  ciidanka Asluubta Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo sheegay in markii lagu mashquulay siyaasadda
____________________________________________________________________________

Talaado February 22, 2022

Taliye Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa sheegay in markii lagu mashquulay siyaasadda iyo doorashada ay kordhisay weeraradeeda Al-Shabaab.

Taliyaha ciidanka Asluubta oo ka hadlayey munaasabad lagu xusayey sanad guurada 52-aad ee kasoo wareegtay aas aaska ciidamadaas ayaa ka hadlay ammaanka guud ee dalka iyo weerarada Al-Shabaab.

“Xoogaa waxaad moodaa siyaasadda xageeda iyo doorashada markii loo jeestay ayaguna waa naga soo daba jeesteen cadowga dalka waxaad moodaa inay shaqdooda kordhiyeen,” ayuu yiri taliyaha Mahad Cabdiraxmaan Aadan.

Dhanka kale taliyaha ayaa faray ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ee uu hoggaamiyo inay u diyaar garoobaan ka hortegga weerarada Al-Shabaab iyo sugida amniga guud ee dalka.

\Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post