366 Views

Al-Shabaab oo Sheekh Yuusuf Kaba Kutukade u magacaawday inuu noqdo guddoomiyaha u qaabilsan gobolka Shabeellaha Dhexe

Al-Shabaab oo Sheekh Yuusuf  Kaba Kutukade u magacaawday inuu noqdo guddoomiyaha u qaabilsan gobolka Shabeellaha Dhexe
____________________________________________________________________________

Khamiis:DECEMBER 1, 2022

Kooxda Al-Shabaab ayaa dib ugu magacowday Sheekh Yuusuf Ciise Kaba Kutukade inuu noqdo guddoomiyaha kooxdaas u qaabilsan gobolka Shabeellaha Dhexe, xilli dagaal xooggan uu kaga furan yahay.

Yuusuf Kaba Kutukade ayaa lagu magacaabay munaasabd ka dhacday degmada Aadan Yaabaal, oo ah xarunta ugu weyn ee Al-Shabaab ay ku leeyihiin HirShabeelle, sida lagu sheegay qoraal ay baahisay warbaahinta kooxda.

Xilkan ayaa waxaa horay u hayay oo laga wareejiyay Sheekh Abuu Cabaas.

Tallaabadan ayaa loo arkaa mid Al-Shabaab ay kaga dan leedahay inay isaga yareyso cadaadiska xooggan ee ay kala kulmeyso beelaha gobolka Shabeellaha Dhexe, maadama Kaba Kutukade uu kasoo jeedo beesha Abgaal. 

https://30e92a33de0209f26d50a5f81cd69376.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-40/html/container.html Dadka siyaasadda fallanqeeya ayaa rumeysan in Al-Shabaab ay rumeysan tahay in haddii gobolka lagu magacaabo qof beel ahaan kasoo jeeda, ay dadka qaar ku qanci karaan inaysan hubka qaadan, balse taasi aanay dhici doonin. 

Kooxda ayaa bilihii dhowaa laga qabsaday deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, waxaana hadda la qorsheynayaa dagaal xooggan oo looga saaro degmada Aadan Yabaal.

Al-Shabaab ayaa laga soo xigtay inuu Sheekh Yuusuf Kaba Kutukade uu isla maanta hoggaaminayey weerarkii ka dhacay degaanka Huurweyne ee duleedka Nuur Dugle.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post