762 Views

Galmudug oo ka hadashay khasaaraha ka dhashay dabkii ka kacay Dhuusamareeb

Galmudug oo ka hadashay khasaaraha ka dhashay dabkii ka kacay Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  September 30 2020—Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid oo kormeer ku tegay Xarumihii ganacsi ee ku gubatay Dabkii maanta ka kacay Magaalada Dhusamareeb.

Madaxweyne Ku xigeenka ayaa u tacsiyadeeyay isla markaana xanuunka la qeybsaday ganacsatadii ku hanti beeshay khasaarihii ka dhashay dabkaas isagoona u rejeeyey soo kabasho degdeg ah iyo badal kheyr qaba.

Cali Ciid ayaa ballan qaaday in Madaxda Galmudug ay lacag dhan 22,000$ ugu deeqyso Guddiga ganacsatada Magaalada Dhuusamareeb ee u xilsaaran soo iibinta dabdamis ay magaaladu leedahay.

Waxa uu intaas raaciyey in canshuur dhaaf loo sameynayo Ganacsatadii ku hanti beeshay dabkaasi, isagoona ugu baaqay Rugta Ganacsiga Galmudug iyo Guddiga Ganacsatada iney garab istaagaan u mujiyaan ganacsatada walaalahooda ee waxyeeladu soo gaartay.

Kormeerkan waxaa MW Ku xigeenka ku Wehliyay Wasiirka wasaaradda Cadaalada Iyo Arrimaha, Wasiir Ku xigeenka Maaliyada iyo Wasiir kuxigeenka Shaqada & Arimaha Bulshada iyo Maamulka Caasimadda.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post