1140 Views

Sawirro:-Madaxweynaha K/Galbeed Oo Xariga Ka Jaray Mashaariic Cusub

Sawirro:-Madaxweynaha K/Galbeed Oo Xariga Ka Jaray Mashaariic Cusub
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 16, 2019 —Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed ( Lafta_gareen ) oo socdaalka Nabada iyo ukuura Gelida Xaalada Degmada Ceelberde uga sugan Degmada ayaa Dhagax Dhigay Mashaariic hore leh oo isugu jira School Waxbarasho iyo Ispitaal weyn oo Degmada ay yeelato.

Sido kale Madaxweyne Cabdicasiis Lafta_gareen ayaa Xariga ka jaray Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Qeybta Degmada Ceelberde taasi oo Dib u howl gelinta Bar xuduuda Ceelberde laga Sameyey.

Cumar Xaaji Agaasimaha Lanta socdaalka iyo jinsiyadaha qeybta KGS ayaa ugu horeyn ka hadlay munaasabada kooban oo ka dhacday Degmada Ceelberde taasi oo Xariga lagaga jarayey Furintaanka laanta socdaalka iyo jinsiyadaha Xafiskeda degmada Ceelberde wuxuuna kaga mahadceliyey madaxweynaha sida ay kaga go’an tahay u shaqeynta shacabka.

 

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka koonfur galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed ( Lafta_gareen ) ayaa Dhankiisa ka Codsaday Dowlada Itoobiya in ay furto Xafiis noocan ah si Bulshada ay isaga kala Gooshan Labada Dowladood maadaama Ceelberde ay xuduud la leedahay Dowladda Itoobiya.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment