489 Views

Axmed Madoobe “ 16 ka kursi ee Gedo oon soo bixin doorasho ma jirto

Axmed Madoobe “  16 ka kursi ee Gedo oon soo bixin doorasho ma jirto
____________________________________________________________________________

Isniin:April 11, 2022

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo xalay la hadlayay xildhibaanada labada aqal ee federaalka ee dhowaan lagu doortay Kismaayo ayaa sheegay in inta ay maqanyihiin kuraasta 16-ka ah ee loo asteeyay in lagu doorto magaalada Garbahaarey.

Axmed ayaa sheegay in uu doonayo in kuraastaasi doorashadooda ay u dhacdo qaab caddaalad ah oo tartan furan ah, ciddii rabtana ay isu soo sharaxdo, beesha caalamkana ay goobjoog ka noqoto.

Waxa kale oo uu sheegay in uusan ogoleyn qorshe beesha caalamka ay usoo jeedisay oo ahaa in kuraasta la kala qeybsado.Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post