864 Views

Madaxweynaha dalka Senegal oo ku dhawaaqay maalin fasax ah si uu ugu dabaaldego guushii ay xulka qaranka

Madaxweynaha dalka Senegal oo  ku dhawaaqay maalin fasax ah si uu ugu dabaaldego guushii ay xulka qaranka
____________________________________________________________________________

 isniin: February 7, 2022

Madaxweynaha dalka Senegal Macky Sall ayaa ku dhawaaqay maanta oo Isniin ah maalin fasax ah si uu ugu dabaaldego guushii ay xulka qaranka kubadda cagta ka gaareen koobka qaramada Afrika.

Madaxweynaha oo ku maqnaa dalka dibaddiisa ayaa soo gaabiyay safarkiisa si uu u soo dhaweeyo xiddigaha kubbadda cagta ee qaranka Senegal.

Madaxweyne Sall ayaa salaasada kooxda ku soo dhaweyn doona qasriga madaxtooyada, sida uu sheegay telefishinka dowlada ee RTS TV.

Senegal ayaa ku guuleysatay finalkii ugu horeeyay ee cayaaraha Afcon ka dib laba guuldaro oo hore oo qabsatay sanadahii 2019 iyo 2002.

Axadii ayay dalka Masar ku garaaceen rigoorayaal 4-2 ah taa oo u horseeday guushooda ka dib markii ay ciyaartu ku dhamaatay gool la’aan iyadoo xitaa lagu daray waqtigii dheeriga aha.

sheeko la xiriita:Xiddiga Sadio Mane , wiilka qoyska imaamyada kasoo jeedda ee taariikhda dhigay

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post