1074 Views

laba askari oo toogasho lagu dilay Mareykanka

laba askari oo toogasho lagu dilay Mareykanka
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL |  September 24 2020
—Labo askari oo booliis ah ayaa la toogtay, xilli ay kumannaan qof ay isugu soo baxeen magaalada Louisville ka dib markii garsoore maxkamadeed uu go’aamiyay in cidna aan loo maxkamaadeyn doonin geeridii Breonna Taylor oo ahayd gabar madow ah.

Gabadha madowga ahayd ayaa waxaa la dilay bishii March ee sanadkan.

Askarigan lagu magacaabo Brett Hankison ayaan lagu soo oogay daacwad aan ahayn dhimasahada Ms Taylor, balse lagu soo oogay dacwad ahayd in uu halis galiyay dhismaha dad daris ah la ahaa ka dib markii uu rasaas uu furay.

Laba askari oo kale oo la sheegay in falkaasi ay ku weheliyeen ayaan wax dacwad ah lagu soo oogin.

Qoyska Ms Taylor iyo daadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha ayaa waxay ku baaqayeen in saddexdani askari oo dhamaantood ah caddaan lagu soo oogo dacwad ah inay geysteen dil ula kac.

Taliya ku xigeenka saldhiga booliiska Louisville Robert Schroede ayaa sheegay in labada askari ee ku dhaawacmay isku dhacyadani aysan naftooda halis ku jirin.

Waxaa uu intaa ku daray in qof loo haysto dhawaaca labada askari ee booliiska xabsiga la dhigay.

Waxaa xaalad degdeg ah lagu soo rogay Louisville, islamarkana waxaa haalakaasi loo daaadgureeyay ciidamada keedka qaranka.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post