510 Views

Boqoradda Ingiriiska oo laga helay cudurka Covid19

Boqoradda Ingiriiska oo laga helay cudurka Covid19
____________________________________________________________________________


Axad: February 20, 2022

Boqorada Ingiriiska Elizabeth, ayaa laga baarey cudurka Covid19, sida qasriga Buckingham laga soo wariyey.

Boqoradda ayaa waxaa soo wajahay calaamado qabow oo fudud. Laakiin waxey rajeyneysaa iney sii wadato “waajibaadka fudud” ee qasrigeeda toddobaadka soo socda.

“Waxaa loo fidin doonnaa daryeel caafimaad boqoradda, waxayna raaci doontaa dhammaan tilmaamaha ku habboon,” ayaa lagu sheegay bayaanka kasoo baxey qasriga.

Boqorrada oo 95 sano jir ah, waxey la xiriirtey wiilkeeda curadka ah oo ah dhaxal sugaha boqortooyada, ee Amiirka Wales, kaasoo laga helay isla cudurkani Covid19 toddobaadkii hore.

Waxaa la fahamsan yahay in tiro dad ah oo lagu sameeyey baaritaan laga helay cudurka Covid19, kuwaasoo kunool qasriga Windsor Castle, oo ay boqoraddu dagan tahay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post