1296 Views

Mareykanka “ “Al Shabab waxay heshay awood dheeri ah iyo xorriyad meshay Rabto Weerari karto

Mareykanka “  “Al Shabab waxay heshay awood dheeri ah iyo xorriyad meshay Rabto Weerari karto
____________________________________________________________________________

June 18, 2021

Pentagon-ka ayaa diyaarinaya soo jeedin ah in tobannaan tababarayaal ah, oo ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran, loo dirayo dalka Soomaaliya si ay uga caawiyaan ciidamada maxalliga ah la dagaalanka Al Shabab.

Tallaabadaas waxay qeyb ahaan muujinayso in dib looga laabanaya go’aankii lama filaanka ahaa ee madaxweyne Donald Trump uu kaga saaray Soomaaliya, ku dhowaad 700 oo ka tirsan ciidamada Mareykanka, bishii Janaayo.

Amarkii Trump ee ahaa in ciidamada dhulka laga soo saaro Soomaaliya, waxay qeyb ka ahayd rabitaankiisa ah in la joojiyo hawlgallada militari ee muddada dheer socday, ee looga soo horjeeday kacdoonnada Islaamiyiinta ee ka socda waddammada Afrika iyo Bariga Dhexe.

Howlgallada ugu wayn ee Mareykanka ee la dagaallanka waxa loogu yeeray argagixisada waxay bilowdeen ka dib weerraradii 11/9, ee 2001.

Rabitaanka siyaasad dejiyeyaasha militariga ee ah in ay ku laabtaan Soomaaliya, waxay muujineysaa caqabadaha Pentagon-ka kala kulmi karo latalinta ciidamada Afgaanistaan, iyaga oo aan dalka ku sugnayn, ka dib markii uu Pentagon-ka fuliyay amarkii Madaxweyne Biden ee ahaa in dalkaas laga saaro tirada askartii Mareykanka ee ugu dambeeysay ee gaaraysa 3,500 oo ku sugnaa Afghanistan.

Soo-jeedinta weli lama hor geynin Xoghayaha Difaaca Lloyd J. Austin, sida ay saraakiishu sheegeen. Sidoo kale, ma cadda in Biden uu oggolaan doono qorshahaas.

Diblomaasiyiinta iyo kooxaha korjoogtada ah, ayaa ka digay in – dalkan oo muddo soddon sano ah ku jiray xaalado jahwareer leh – uu mar kale qarka u saaran yahay fowdo, iyadoo dadaalka dib u dhiska Soomaaliya uu haatan khatar geli karo.

“Al Shabab waxay heshay xorriyad dheeri ah oo ay ku dhaqaaqi karto,” ayuu yiri Maj. Gen. Dagvin R.M. Anderson, oo ah taliyaha ciidamada howlgalada gaarka ah ee Mareykanka ee Afrika.

Jeneral Anderson wareysigiisii ​​ugu dambeeyay wuxuu Al Shabab ku tilmaamay “kooxda ugu balaaran, ugu taajirsan, uguna rabshadaha badan, marka la barbardhigo kooxaha kale ee Al-qaacida xiriirka la leh ee dunida.

Go’aankii Trump ayaa ka nixiyay qaar ka mid ah Soomaalida gudaha dalka ku sugan, kuwaas oo madaxweynaha cusub Joe Biden ka codsaday inuu wax ka beddelo arrintaas.

Sanator Ayuub Ismaaciil Yuusuf, ayaa go’aankaas ku tilmaamay “mid aad looga shalleyn karo”. Wuxuu sheegay in ciidamada Mareykanka ay wax weyn ka qabteen tababarka iyo tayada ciidamada Soomaaliya.

Milkiilaha hoteelka Elite ee magaalada Muqdisho, xildhibaan Cabdullahi Maxamed Nuur, oo weerar lagu qaaday hoteelkiisa bishii August ee sanadkii hore, ayna ku dhinteen 15 qof, ayaa walaac weyn ka muujiyay in ciidamada Mareykanka laga saaro Soomaaliya.

“Aad ayay inoo dhibeysaa,” ayuu yiri milkiilaha hoteelka. “Weli waan u baahannahay Ameerikaanka, gaar ahaan dhanka ammaanka.”

Hawlihii ciidamada Maraykanka ee Soomaaliya

Ciidamada Mareykanka ee ku sugnaa Soomaaliya waxay wadashaqeyn la lahaayeen kuwa AMISOM ee ka socda Midowga Afrika ee ah nabad ilaaliyeyaal Soomaaliya ku sugan, oo dalka ku jooga qaraarka ogolaanshaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Bishii Abriil ee sannadkii la soo dhaafay ayuu madaxweyne Donald Trump saxiixay wareegto uu ku kordhinayay xilliga howlgalka gaarka ah ee ciidamada Mareykanka u joogayaan Soomaaliya, isagoo ku daray hal sano oo kale.

Hase yeeshee, iyadoo laga yaabo in muddo kordhintaas ay ahayd tii ugu dambeysay, haddana saraakiisha difaaca ee Mareykanka waxay sheegeen in howlgalka Soomaaliya uu qaadan karo sannado kale.

In ka badan saddex sano ayey koox Mareykan ah oo howlgal khaas ah loogu talagalay ku suganaayeen Soomaaliya. Shaqada ugu badan ee ay hayaan waa in ay dowladda Soomaaliya ka caawiyaan arrimo ay ka mid yihiin:

Ciidamada DANAB

Saraakiisha militariga Mareykanka ayaa asaasay ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee loo yaqaanno Danab, kuwaasi oo ay tiradooda kor u dhaafeyso 3,000 oo askari.

Waxyaabaha kale ee ay militeriga Mareykanka ka sameeyaan Soomaaliya waxaa ka mid ah duqeymaha loo adeegsado diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn ee drones-ka, kuwaas oo lagu bartilmaameedsado saldhigyada iyo dhaqdhaqaaqyada Al-Shabaab ee dalka

Faragelinta militeriga Mareykanka ee Soomaaliya ayaa soo billaabatay sannadkii 2007-dii, markaas oo duqeymo ay fulisay diyaaradda nooceedu yahay AC-130 lagu dilay dad ay rayid ka mid yihiin.

Sannadkii 2019-kii, ayey ciidamada Mareykanka Soomaaliya ka fuliyeen duqeymihii ugu badnaa abid, oo gaarayay ilaa 60 weerar oo xagga cirka ah.

Weerarradaas oo la kala fuliyay bilihii January, February, March, April, July, August, October, November iyo December, ayaa lagu dilay in ka badan 200 oo ka tirsan xubnaha Al-Shabaab iyo dad shacab ahba.

Maraykanka wuxuu si ku meel gaar ah “u xadiday” duqeymaha diyaaradihiisa uusan duuliyaha saarnayn ee Drones-ka ay ka fuliyaan dalalka ka baxsan Afghanistan, Suuriya iyo Ciraaq, sida uu qoray wargeyska Washington Post.

Ujeedada go’aankaas ayaa lagu sheegay in looga gol leeyahay dib u eegis lagu sameeyo madax bannaanida la siiyay militariga iyo sirdoonka Maraykanka ee ku hawlan la dagaallanka argagixisada.

Sidaas darteed ku dhowaad shan bilood ayaa laga joogaa markii ugu dambeysay ee Mareykanku uu wax duqeymo ah ka fuliyay Soomaaliya.

Xukuumadda Washington ayaa 20-kii sano ee la soo dhaafay, duqeymaha drones-ka u adeegsaneysay bartilmaameedsiga mintidiinta, gaar ahaan Al-Qaacida iyo ururka la baxay dowladda Islaamka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post