804 Views

Pogba Manchester United “Way u qalantay inay guuldareysato Haddii aan daacad u hadlo, waxaan u ciyaareynay sidaan liidano

Pogba Manchester United “Way u qalantay inay  guuldareysato  Haddii aan daacad u hadlo, waxaan u ciyaareynay sidaan liidano
____________________________________________________________________________


Axad: October 17, 2021

PAUL POGBA ayaa qirtay in Manchester United ay u qalantay guuldarro kulankii Leicester isagoo su’aal geliyay maskaxdooda iyo taatikadooda.

United oo aan laga badinin 29kii kulan ee ugu danbeysay ee ay marti ahaayeen horyaalka ayaa waxaa 4-2 ku garaacday kooxda Leicester City.

Pogba ayaa u sheegay BBC Sport: “Waan u qalanay inaan guuldareysano. Haddii aan daacad u hadlo, waxaan u ciyaareynay sidaan liidata muddo dheer.

“Weli ma aynan helin halka uu dhibka inaga heysto, goolal fudud ayaa nalaga dhaliyay, goolal nacasnimo ah.

“Waxaan u baahanahay inaan dhaqano sida dad qaangaar ah, si qibrad iyo kalsooni ah inaan u dheelno, waxaan u baahanahay inaan xalhelno, waxaan u baahanahay inaan isbedelno.

“Waxaan u baahanahay inaan helno maskaxda saxda ah iyo xeeladda saxda ah, marka aan helno waa inaan ku dhegno oo ku xalino dhibaatada.”

Mason Greenwood, oo 20 jir ah, ayaa goolasha ku furay gool layaab leh oo uu ka soo tuuray meel 25 yaardi u jirta goolka.

Laakiin Youri Tielemans, oo 24 jir ah, ayaa bar -bardhig ku sameeyay nus saac ka hor inta uusan Caglar Soyuncu, oo 25 jir ah, hogaanka u dhiibin Leicester daqiiqadii 78aad.

Rashford oo dhaawac ka soo laabtay ayaa u barbareeyay United ka hor inta aysan Jamie Vardy iyo Patson Daka aysan natiijada u xaqiijinin Leicester City.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post