438 Views

Xarunta xuquuqda aadanaha ee Somaliland oo xaqiijiyey in 10 qof ay ku dhinteen magaalada Laascaanood.

Xarunta xuquuqda aadanaha ee Somaliland oo  xaqiijiyey in 10  qof ay ku dhinteen magaalada Laascaanood.
____________________________________________________________________________

Sabti: DECEMBER 31, 2022

Xarunta xuquuqda aadanaha ee Somaliland ayaa xaqiijiyey in 7 qof ay ku dhinteen 21 kalena y ku dhaawacmeen is raasaaseyn ka dhacday magaalada Laascaanood.

Xarunta ayaa cambaareysay hubka loo adeegsanaya dadka dibadbaxyada ka dhigaya magaalada Laascaanood.

Waxayna ku baaqaday in baaritaan lagu sameeyo wixii dhacay

Waxay ugu baaqeen Somaliland inay xushmeyso xaqa dibadbaxyaasha ee ku aadan in aragtidooda ay cabbiraan.

Dhanka kalena, Maalintii afraad, ayaa waxay mudaaharaado ka socdaan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Shacabka, ayaa ka cabanaya dilalka qosheysan ee ka dhaca magaaladaas.

Sidoo kale, wararka waxay sheegayaan in ay weli socdaan mudaaharaadyo ay dadka wadaan iyadoo maanta xaaladdu ay yara dhaanto sidii maalmihii hore .

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa shacabka Laascaanood ka codsaday inay is dajiyaan, isla markaana wakhti la siiyo wada-hadalka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post