306 Views

Ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo la wareegay deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeelllaha Dhexe Cabsi caawa ka jirta halkaas

Ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo  la wareegay deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeelllaha Dhexe Cabsi caawa ka jirta halkaas
____________________________________________________________________________

Axad: NOVEMBER 27, 2022

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ayaa maanta la wareegay deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeelllaha Dhexe.

Deegaanka ay maanta la wareegeen ciidamada huwanta ah ayaa waxaa muddooyinkii dambe ku sugnaa kooxda Al-Shabaab, ayada oo maalmihii la soo dhaafayna laga dareemayay dhaq-dhaqaaqyo ciidan.

Saraakiisha ciidamada deegaanka ee howl-galka hogaaminayay ayaa dhankooda sheegay inay si nabad-gelyo ah kula wareegeen Ceelbaraf, kadib markii ay isaga baxeen xubnihii Shabaabka ahaa ee ku sugna

“Markii aan tagnay Ceelbaraf waxaa ku aragnay duruufo badan oo heysta bulshada deegaanka oo dhowrkii billood ee lasoo dhaafay ay maamulayeen nimanka Khawaarijta ah ee Al-Shabaab,” ayuu yiri Kabtan Abuukar Axmed Cabdulle (Taqile) oo kamid ah saraakiisha ciidamada deegaanka.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay ciidamada wadaan howl-galo ay ku raad-joogaan dagaal-yahaanadii ka tirsanaa Al-Shabaab ee isaga baxay deegaanka Ceelbaraf, ayna sii wadi doonaan howl-galada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post