963 Views

Axmed Madoobe oo ka hadlay Shirkii ka dhacay Muqdisho & Arrimaha khilaafka

Axmed Madoobe oo ka hadlay Shirkii ka dhacay Muqdisho & Arrimaha khilaafka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 03, -2019 —Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo xalay ka hadlayay munaasabad ka dhacday Magalada Kismaayo ayaa waxaa uu ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka,khilaafka Jubbaland ee dowladda & Shirkii Iskaashiga ee ka dhacay Magalada Muqdisho.

Axmed Madoobe ayaa sheegay  in Doorashooyinku markii ay dhamaadeen ay Jubbaland diyaar u ahayd sidii Khilaafka kala dhexeeya Dowlada Federaalka ah wada hadal loogu dhamayn lahaa balse taas badalkeeda Xukuumada Federaalka ah ay xayiraado iyo cunaqabatayno kusoo rogtay dadka ree Jubbaland.

Isagoo ka hadlayay shirka kasocda Magaalada Muqdisho ee Beesha Caalamka iyo Dowlada Federaalka ah u dhexeeya ayuu Madaxweynahu sheegay in hanaanka siyaasada loo dhan yahay ayna dalka ka jirin sidaas darteedna wax walba oo shirkaas kasoo baxa ayna anfacaynin dadka Soomaaliyeed loona baahan yahay kahor in arimaha masiiriga ah heshiis laga gaaro sida Doorashooyinka iyo dhamaystirka dastuurka.

Madaxweynahu waxaa kale oo uu sheegay in hanaanka dayn cafintu uuna dhaqan gali Karin iyadoo Madaxda Villa Soomaaliya joogta ay ku tumanayaan shirciga dalka  waa sida uu ahdalka u dhigay.

Maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa horay u qaadacay Shirka Caalamiga ee Madasha Iskaashiag ee ka qabsooman Magalada Muqdisho, iyaga oo sheegay in shirkaasi aan lagal talo gelin sidoo kale ay soo bandhigeen shuruudo ay shirkaasi ku imaan karaan.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment