303 Views

Tahriibayaal ku dhintay badda Mediterranean-ka

Tahriibayaal ku dhintay badda Mediterranean-ka
____________________________________________________________________________

Sabti: SEPTEMBER 10, 2022

Ugu yaraan 8 qof oo tahriibayaal ah ayaa dhintay 15 kalena waa la la’yahay kadib markii dooni ay la socdeen ay ku degtay xeebaha Tunisia, xilli ay isku dayayeen in ay ka gudbaan badda Mediterranean-ka una sii gudbaan dalka Talyaaniga, sida ay sheegtay Idaacadda Monastir ee dawladda.

Ciidamada ilaalada xeebaha ayaa soo badbaadiyay 14 qof oo tahriibayaal ah oo la socday dooni buux dhaaftay, taasi oo ku degtay magaalada Chebba ee gobolka Mahdia.

Sarkaal ka tirsan laamaha ammaanka ayaa sheegay in doonidu ay toddobaadkan kasoo baxday xeebta Ceel-awabed ee gobolka Sfax.

Waxa uu intaasi ku daray in inta badan Tahriibayaasha doontaasi la socday ay u dhasheen dalka Tunisia.

Xeebta Sfax ayaa noqotay meel ay ka dhoofaan dadka saboolnimada kasoo cararaya Afrika iyo Bariga Dhexe si ay fursad ugu helaan nolol dhaanta Yurub.

Bilihii la soo dhaafay, tobabbaan dad ah ayaa ku qaraqmay xeebaha Tunisia, iyadoo ay kordheen isku dayga ka imaanaya Tunisia iyo Liibiya ee dhanka Talyaaniga.

Boqolaal kun oo qof ayaa sannadihii u dambeeyay safar halis ah ku galay badda Mediterranean-ka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post