843 Views

Somaliland oo qeylo dhaan u dirtay Beesha Caalamka

Somaliland oo qeylo dhaan u dirtay Beesha Caalamka
____________________________________________________________________________


Isniin: April 4, 2022

War saxaafadeed kasoo baxay Golaha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa Baaq qaylo dhaan ah loogu diray Beesha Caalamka, Bulshada, Ganacsatada Reer Somaliland, Guud ahaan umadda  Soomaaliyeed iyo cid kasta oo gacan ka geysan karta Musiibadii ka dhacday Suuqa Waaheen ee Magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed iyo dhamaan Xubnaha Shir gudoonka Golaha ayaa tilmaamay inay aad uga murugeysan yihiin musiibadii ka dhacday Suuqa Waaheen, islamarkaana ay murugada muusiibadaas la qeyb sanayaan Bulshada reer Somaliland, iyagoo Alle uga baryay dadkii ku hanta beelay in Alle wax kale ugu bedelo.

“Waxkasta oo dhaca waxa ay  ku dhacaan qaderka Eebbe. Masiibadii ka dhacday suuqa u weyn Jamhuuriyadda Somaliland ee Waaheen, Hargeysa, 1dii April, 2022. Waxaa ay ka mid tahay imtixaannada Bini aadamku marayo” ayaa lagu yiri qoraalka Golaha Wakiilada kasoo baxay.

Sidoo kale, Golaha Wakiilada Somaliland ayaa ugu baaqay dhammaan dadkii masiibadaasi taabatay inay ku sabraan qadarka illaahey iyo qalinkiisa.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post