1101 Views

Ra’iisul Wasaare Kheyre & Safiirka Mareykanka ee Somalia oo kulmay

Ra’iisul Wasaare Kheyre & Safiirka Mareykanka ee Somalia oo kulmay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Nofeembar 27- 2019 –Magaalada Muqdisho waxaa kulan ku yeeshay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali kheyre iyo Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Amb, Donald Yamamoto,waxaana kulankooda ay uga hadleen arrimo dhowr ah.

Qoraal kooban oo la soo dhigay barta twitter-ka ee Safaarada Mareykanka ee Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen horumarka Somalia ee dhinaca Nabadda,xasiloonida iyo Barwaaqada.

Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Amb, Donald Yamamoto ayaa sheegay inay muhiim tahay wadashaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad goboleedyada taas oo horseedi karta soo nooleynta Soomaaliya oo awood leh.

Safaarada Mareykanka ee muqdisho, QM iyo Xubnaha daneeyayaasha Soomaaliya ee Beesha Caalamka ayaa waxaa ay horay u sheegeen inay mudiim tahay wadashaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad goboleedyada si looga wada qeyb qaato doorashada soo socota ee sanadka 2021 la filayo inay ka dhacdo Soomaaliya.

 

Xafiiska WArarka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment