1029 Views

Beesha Caalamka oo sheegay inay ka welweleen war-saxaafadeedyadii ay is dhafsadeen Mucaaradka iyo Dowlada Waqtigeeda dhamaaday.

Beesha Caalamka   oo  sheegay inay ka welweleen war-saxaafadeedyadii ay is dhafsadeen Mucaaradka iyo Dowlada Waqtigeeda dhamaaday.
____________________________________________________________________________

April 8-4-2021

 Saaxiibada Beesha Caalamka* ee Soomaaliya ayaa sheegay inay ka welweleen war-saxaafadeedyadii mas’uuliyiinta qaarkood ay shalay la wadaageen bulshada kuna tilmaameen kulankii gogol-xaadhka iyo wadatashiga ahaa ee albaabadu u xidhnaayeen una dhexeeyay madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada aanu sameyn wax horumar ah.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Dubbe ayaa shalay soo saaray qoraal uu ku sheegay inuu fashilmay shirkii Afisyooni, isaga oo taasna ku eedeeyey madaxda Puntland iyo Jubaland. Labada maamul ayaa iska fogeeyey eeddaas.

War-saxaafadeed caawa kasoo baxay beesha caalamka ayaa lagu yiri “Waxaan adkeynaynaa in wadahadalladan ay udub-dhexaad u yihiin xaqiijinta hirgelinta hannaanka doorasho ee 17kii Sebtember ee loogu talagalay doorashooyin lagu kalsoonaan karo, iyadoo la’aantood uu khatar gelayo horumarkii sanadihii ugu dambeeyay laga gaaray xasilloonida, horumarka dhaqaale iyo dib-u-hagaajinta hay’adaha ee Soomaaliya.”

Beesha caalamka ayaa sidoo kale ku boorisay madaxda inay si deg deg ah ugu laabtaan wadahadalada si ay heshiis uga gaaraan arrimaha harasan, iyagoo u maraya isu-tanaasul.

“Waxaan mar kale ku celinaynaa in saaxiibada [caalamku] aanay taageeri doonin geeddi-socod babar-socod ah, mid aan loo dhamayn, ama dadaallo cusub oo horseedaya kordhinta muddo xileedkii hore. Waxaan ku boorinaynaa dhamaan madaxda Soomaaliyeed inay aad isu xakameeyaan oo ay ka fogaadaan ficil kasta oo hal dhinac ah, kaas oo sababi kara in xiisadaha siyaasadeed ay kasii daraan,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

“Iyadoo la eegayo culayska ay leedahay xaaladda hadda taagan, ayaa saaxiibadu waxay wadatashiyo deg deg ah la leeyihiin ka-qaybgalayaasha shirka DFS-DGXF iyo saamilayda kale ee muhiimka ah ee Soomaaliyeed si loo ogaado xulashooyin si dhakhso leh xal loogu heli karo is-mari-waagan, isla markaana si dhakhso leh dib loogu noqdo wadahadalka.”

War-saxaafadeedka ayaa waxaa si wadajir ah usoo saaray: *Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Jabuuti, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Talyaaniga, Japan, Holand, Norway, Poland, Qadar, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, ee Qaramada Midoobay

.

.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post