777 Views

Xiisad Colaadeed oo ka tagaan Qeybo kamid ah Gobolka Shabeellaha hoose.

Xiisad Colaadeed oo ka tagaan Qeybo kamid ah Gobolka Shabeellaha hoose.
____________________________________________________________________________

Talaado: January 25, 2022

Magaalada marka ee gobolka shabellada hoose ayaa Saakay wararka ka imaanaya halkaasi ku waramayaan in ay ka jirto xiisad colaad oo xoogan una dhaxeyso laba maleeshiyo beeled oo halkaasi wada Deggo.

Maleeshiyaadka ayaa iska dilay saacadihii lasoo dhaafay inta la xaqiijiyay saddex ruux halka la dhaawacay in ka badan laba Ruux.

Sida dadka degaanka KNN ushegeen Xiisadda halkaasi ka taagan ayaa timid  ka gadaal markii maalin ka hor la dilay askari ka tirsanaa nabad sugidda soomaaliya kaas oo lagu magacaabi jiray Mukhtaar Xaankeey dilkiisa kaddibna qoriga laga qaatay sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Dadka Degaanka ayaa sidoo kale kusoo waramay in Arintan ay Salka ku heysa Isqab qabsi dhul kaa oo Ku yaalo Deegaanka Ceeljaale.

Dhanka kale Maamulka Magaalada Marka Ayaan wali ka hadlin dhacdooyinkan  Magaalada ka soo kordhay, waxaase marar badan Marka ka dhacay Dagaalo khasaaro dhaliyay oo u dhaxeeyo Labo maleeshiyo beeleed.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post