486 Views

Howlgal lagu burburiyay Gaari qarax siday & Xiisad ka taagan G/Mudug

Howlgal lagu burburiyay Gaari qarax siday & Xiisad ka taagan G/Mudug
____________________________________________________________________________


Axad: April 10, 2022

Ciidamada Daraawiishta Galmudug oo howlgal qorsheysan ay ka fuliyay deegaan dhaca koofurta Gobolka Mudug, ayaa kaga hortagay Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo ay wateen dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab.

Saraakiisha Ciidamada hoggaamineysa ayaa sheegaya in howlgalka ay ka fuliyeen
Deegaanka Godyaanyo oo ka tirsan Koofurta Gobolka Mudug ay ku burburiyeen Gaari walxaha qarxa ay Al-shabaab kasoo buuxsheen, sidoo kalena ay dileen xubnihii gaarigaas watay qaarna ay nolosha ku qabteen.

Howlgalkaan waxaa iska kaa shaday Ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo maleeshiyaad deegaanka ah oo diidan qabshada Al-shabaab ee deegaanka.

Dhinaca kale, Wararka ka imaanaya deegaano dhaca Wisil ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaas ay ka taagan tahay Xiisad dagaal oo u dhaxeyso Ciidanka Daraawiishta Galmudug iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab, iyadoo ay dhinacyada halkaas ka wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan.

Xiisadaan ayaa timid kadib markii Ciidanka Daraawiishta Galmudug ay ka war heleen in dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay weerar kusoo yihiin deegaano dhaca Wisil oo ka tirsan Koofur Gobolka Mudug, inkastoo laga cabsi qabo dagaal labada dhinac halkaa ku dhexmara.

Saraakiisha Ciidamada dowladda iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in dadkooda iyo deegaankooda ay ka difaacaan argagixisada weerarka kusoo ah islamarkaana ay diyaar u yihiin in howlgalada ay sameenayaan ay kaga saaraan deegaanada iyo degmooyinka ay kaga sugan yihiin Gobolka Mudug.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post