636 Views

Puntland oo Galmudug ku wareejiyay raashin iyo shidaal ciidamada Galmudug ee dagaalka kula jira Al-shabaab.

Puntland oo  Galmudug ku wareejiyay raashin iyo shidaal ciidamada Galmudug ee dagaalka kula jira Al-shabaab.
____________________________________________________________________________

Khamiis: July 8, 2021

Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland ayaa maanta mas’uuliyiinta Galmudug ku wareejiyay taakulo ka kooban raashin iyo shidaal loogu tala-galay ciidamada Galmudug ee dagaalka kula jira Al-shabaab.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa mas’uuliyiinta Galmudug oo uu matalayo Maamulka Degmada Gaalkacyo Galmudug ku wareejinay bilowga Taakulada  Puntland uga qayb qaadanayso la dagaallanka Al-shabaab ee deeganada Bacaadwayne iyo Wisil.

Munaasibadan ayaa waxaa goobjoog ahaa Gudoomiye ku Xigeenka Gobolka Mudug, Duqa Degmada Gaalkacyo Puntland, Duqa Degmada Gaalkacyo Galmudug, Lataliyaha Madaxwaynaha Puntland, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug, Taliyaha Saldhiga Degmada Gaalkacyo ee Galmudug iyo Agaasimaha Warfafinta Gobolka Mudug.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post