765 Views

Erdogan oo la kulmay Madaxweynaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabbaas

Erdogan oo la kulmay Madaxweynaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabbaas
____________________________________________________________________________

Sabti: July 10- 2021

Xafiiska madaxweynaha Turkiga ayaa bartiisa Twitterka soo dhigay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo Madaxweynaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabbaas iney Istanbul ku kulmeen.

Warbaahinta maxalliga dalka Turkigana waxay sheegeen booqashada Cabbaas uu ku marayo Turkiga iney laba maalmood qaadaneyso, ayna labada hoggaamiye ka wada hadli doonaan arrimo la xidhiidha xiriirka labada dhinac ka dhaxeeya.

Sida oo kale warbaahintu waxay sheegtay iney hoggaamiyeyaashu ka wada hadli doonaan xiriirka dhaqaale sidi loo xoojin lahaa iyo arrimo la xidhiidha xiisadda ka aloosan marinka Qaza ee u dhaxeeya ciidamada Israa’iil iyo ururka Xamaas.

Wariyaha wakaaladda Anadolu uga soo horramay kulanka Erdogan iyo Cababas wuxuu sheegay kulan uu albaabbada u xiran yihiin oo qaatay ku dhawaad 85 daqiiqo, kulammada xigana ay kaga wada hadli doonaan doorashada madaxweynaha Falastiin ee dib loo dhigy oo qabsoomeyso 31-ka bishan July.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post