1893 Views

Maamulka Gobolka Hiiraan Oo Fulinaya Amar Ka Soo Baxay Madaxweyne Waare

Maamulka Gobolka Hiiraan Oo Fulinaya Amar Ka Soo Baxay Madaxweyne Waare
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 11, 2018 –   Magalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle waxaa ka dhacay kulan gaar ah oo dhexmaray Mas’uuliyiinta labada Gobol ee Shabeellaha dhexe iyo Hiiraan iyo Madaxweynaha Maamulkaas Maxamed Cabdi Waare.

Kulanka ayaa yimid ka dib markii mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan looga yeeray Magaalda Jowhar si loo dardargeliyo howlaha labada Maamul ee dhinacyada amniga iyo adeegyada Bulshada.

Wafdigii ka socday Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa dib ugu laabtay Magalada Baladweyne,iyaga oo intaasi ka dib faah faahin ka bixiyey kulankii ay la qaateen Madaxweyne Waare iyo waxyaabihii ka soo baxay.

Guddoomiye kuxigeenka dhimnaca Siyaasada Maamulka Gobolka Hiiraan Xasan Ibraahim Cabdulle ayaa sheegay in intii uu kulanka socday ay isla garteen dib u habeynta howlaha Canshuuraha iyo darder gelinta howlahaas.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare uu ku amray in ay ka wada Shaqeeyaan sugida amniga,isla markaana ay ka wada howlgallaan si tallaao dhinaca amniga ah loo qaado.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment