1260 Views

Wafdi ka qeyb galaya Aaska Marxuum Yariisow oo Muqdisho soo gaaray

Wafdi ka qeyb galaya Aaska Marxuum Yariisow oo Muqdisho soo gaaray
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL August 03,, 2019 —Madaxweynaha  Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane; C/casiis Xasan Maxamed ( Lafta gareen ), ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho  si uu uga qeyb galo aaska Qaran ee loo sameynayo Allaha u naxariistee Guddoomiyihii Gobolka Banaadir  Eng C/raxman Cumar Cismaan (Yariisoow) oo ku geeriyooday Dalka Qatar markii uu dhaawac kasoo gaaray qaraxii dhowaan ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir.

 

Madaxweyne Laftagareen, ayaa u tacsiyeeyay ehelka iyo qaraabada Marxuumka ee Deggan Magaalada Muqdisho isagoo Hoygiisa ugu tagay Ugaaska Beesha uu kasoo jeedey Marxumka, Ugaas Maxamuud Cali Ugaas Cabdull, wuxuuna Alle uga baryay in uu Janadii Firdowsa ka waraabiyo Marxuumka.

 

 

 

Ugaas Maxamuud Cali Ugaas Cabdulle ayaa ugu mahad celiyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane  Cabdicasiis Xasan Maxamed ( Lafta-gareen )kasoo qeyb galka aaska Qaran Gudoomiyihii Gobolka Banaadir Cabdiraxman Cumar Cismaan (Yariisoow).

 

Waxaa sidoo kale shalay Muqdisho soo gaaray Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle si uu uga qeyb galo, waxaa sidoo kale la sugaya Wafdi ka socda Puntland in ay maanta soo gaaraan Muqdisho.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment