582 Views

Mareykanka: “Taako ka mid ah dhulka NATO haddii lagu soo xadgudbo waan difaaceynaa”

Mareykanka: “Taako ka mid ah dhulka NATO haddii lagu soo xadgudbo waan difaaceynaa”
____________________________________________________________________________

Sabti: March 5, 2022

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa markale ka dhawaajiyey Taako kasta oo ka mid ah waddamada xubnaha ka ah NATO inuu Mareykanka difaacayo, Bilinken oo hadalkaasi ka sheegay xilli uu booqnayey Poland.

Blinken wuxuu sheegay Poland iney jawaab wanaagsan ka bixisay dagaalka Ukraine, iyada oo Kyiv arrimaha sirdoonka gacan ka siiyey isla-markaana taageertay cunaqabateynta la saaray Ruushka.

Wuxuuna Blinken intaa ku daray Mareykanka inuu gargaar bani-aadanimo uu u fidinayo Poland iyo waddamada kale ee ay qaxootiga ku soo jabeen.

Blinken oo shir jaraa’id ku qabtay Rzes-zow ee dalka Poland wuxuu sheegay Mareykanka iyo Poland iney iisu garabsanayaan taageeridda Ukraine, Mareykankana uu diyaar u ah taako ka mid ah dhulka waddamada NATO haddii uu Ruushku ku soo xadgudbo inuu difaaco.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post