765 Views

Gantaalka halista ah ee uu si toos ah u daawanayay Kim Jong-un markii la ridayay

Gantaalka halista ah ee uu si toos ah u daawanayay Kim Jong-un markii la ridayay
____________________________________________________________________________


Arbaco: January 12, 2022

Kuuriyada Waqooyi ayaa mar kale tijaabisay gantaallada xawaarahooda ka dheereeya xilli uu si toos ah u daawanayay hoggaaminyaha dalkaas Kim Jong-un.

Warbaahinta dowladda ayaa ku warrantay in gantaalka la tuuray Talaadadii uu jaray masaafo gaareysa 1,000km ka hor inta uusan ku dhicin badda.

Waa markii saddexaad ay Kuuriyada Waqooyi tijaabiso gantaallada xawaarahooda ka dheereeya kaas oo ay adag tahay in la ogaado, wuxuu jarayaa masaafo ka dheer midda ay jaraan gantaallada Ballistic-ga.

In Kim Jong-un oo goob joog ka ahaado tijaabinta gantaalka waxay ka dhigan tahay inay horumar ka gaareen teknooloojiyadda, sida ay sheegayaan falanqeeyayaasha.

Kor u kaca ugu dambeeyay ee tijaabada hubka ayaa u muuqan kartaa mid lagu xoojinayo hadafka Kim Jong-un ee ahaa in uu sare u qaadayo awoodda militeri ee Kuuriyada Waqooyi.

 

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post