768 Views

Ciidamada daacadda u ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo xirtay wadada dheer ee isgoysyada KM4 iyo Tarabuunka

Ciidamada daacadda u ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo xirtay wadada dheer ee isgoysyada KM4 iyo Tarabuunka
____________________________________________________________________________

April 26-2021

Wararka ka imaanaya saakay agagaarka Km4 ilaa isgoyska tarabuunka ayaa sheegaya in  Ciidamada daacadda u ah siyaasiga mucaraadka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ay saaka xirteen wadada dheer ee isku xirta isgoysyada KM4 iyo Tarabuunka ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada ayaa dhigtay  caro tuur iyo dhagaxaan wadada marta  dalcadda Cabdiqaasim ee degmada Hodan, iyaga oo gaadiidka ka celinaya halkaasi.

Sidoo kale ciidamada mucaaradka ee ka soo horjeeda dowladda ayaa difaacyo kaga jira xaafadaha ku dhow wadadaasi oo uu xalay ka dhacay dagaal xoogan.

Sidoo kale Ciidamo kale oo ka soo hor jeeda muddo kororsiga madaxweynaha ayaa iyagana ku sugan yihiin inta u dhexeysa Dabka iyo Sayidka, iyaga oo difaacyo kaga jira halkaasi, waxaana lagu arkayaa iyo gaadiid dagaal. Caratuurna ka samaysteen.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post