651 Views

Ra’iisul wasaare Rooble oo lagu wado inuu markale maanta kulan gaar ah la qaato xubnaha midowga musharraxiinta

Ra’iisul wasaare Rooble oo lagu wado  inuu markale maanta kulan gaar ah la qaato xubnaha midowga musharraxiinta
____________________________________________________________________________

Mar: 1/3/2021

Wararka ka imanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble  lagu wado in uu maanta Mar kale la kulmo xubnaha midowga musharraxiinta mucaaradka ee ku sugan gudaha magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in Kulankan Diirada lagu saaro doono xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan sii amba qaadida wada-hadallada xukuumadda iyo mucaaradka oo 25-kii bishan heshiis horudhac ah ku gaaray hotelka Decale ee garoonka Aadan Cadde.

Sidoo kale wararka aya sheegaya in  ay si gaar ah labada dhinac uga arrinsanayaan sidii loo dhameyn lahaa khilaafka xoogan ee weli ka taagan doorashada 2021-ka, gaar ahaan sidii ay iskaashi uga yeelan lahaa arrintaasi.

Sidoo kale xukuumadda & musharraxiinta ayaa isla soo qaadaya arrimo ay ka mid yihiin banaan-baxa ay abaabulayaan mucaaradka oo lagu ballamay in la qabto 10 cisho gudahood, iyada oo sidoo kale lagu soo bandhigayo kulankan xogta ay uruuriyeen xubnaha guddiga wadajirka ah ee loo xilsaaray dhacadaadi 19-kii Febaraayo , 2021-ka. https://assets.bilsyndication.com/ads/responsive/m3.html

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post