1149 Views

Midowga Afrika oo ka hadlay weerarka ay Al Shabaab ku qaaday xerada ATMIS ee Ceel-baraf

Midowga Afrika oo ka hadlay weerarka ay Al Shabaab ku qaaday xerada ATMIS ee Ceel-baraf
____________________________________________________________________________


Arbaco: May 4, 2022

Gudoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii Al Shabaab ay shalay ku qaadeen saldhigga ciidamada Burundi ku lahaayeen deegaanka Ceel Baraf, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Midowga Afrika.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale tacsi tiiraanyo leh u diray dawladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Burundi, waxana uu caafimaad degdeg ah u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay weerarkaas, sida lagu sheegay bayaanka.

Al-Shabaab oo shalay war-saxaafadeed ka soo saartay weerarkan ayaa sheegtay in is-rasaaseyn xooggan kaddib ay u suurtagashay in ay la wareegto gacan ku heynta guud ahaan saldhigga.

Warar ka soo baxayay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay inay cagta mariyeen xerada, ayna dileen in ka badan 170 askari, dhowr iyo toban kalena ay ku dhaawacmeen weerarka. Waxay sidoo kale sheegatay inay askar nool ku qabatay dagaalka, balse ma jiraan ilo kale oo madax-bannaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shaba

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post