1047 Views

Akhriso:-Maxaa Looga Hadlayaa Kulanka Maanta Ee Golaha Shacabka?

Akhriso:-Maxaa Looga Hadlayaa Kulanka Maanta Ee Golaha Shacabka?
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 08, 2019 –Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta waxaa lagu wadaa in kulankoodii caadiga ahaa ay ku yeeshaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

 

Ajendaha kulanka Xildhibaanada Baarlamaanka Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 8-da bisha May 2019,ayaa waxaa uu yahay Akhrinta 2-aad Hindise Sharciyeedka Badroolka.

Xalay ayaa waxaa Xildhibaanada lagu wargeliyay in uu jiro kulanka Golaha,isla markaana looga baahan yahay ay soo xaadiraan kulanka.

 

Fadhigii ay yeelan lahaayeen Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Isniintii la soo dhaafay ayaa waxaa uu u baaqay sababo la xiriira kooram la’aan,waxaana Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Baarlamaanka Cabdiweli Sheekh Muudey uu 143 xildhibaan ku eedeeyay xil gudasho la’aan.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment