336 Views

Madaxweynaha Kenya William Ruto oo tirtiray qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka, oo ay Kenya kagala noqotay aqoonsigii Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Carabta

Madaxweynaha Kenya  William Ruto oo tirtiray qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka, oo ay Kenya kagala noqotay aqoonsigii Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Carabta
____________________________________________________________________________

Khamiis: SEPTEMBER 15, 2022

Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa tirtiray qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka, oo ay Kenya kagala noqotay aqoonsigii muddada dheer ay u haysay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Carabta ee Sahrawi (SADR).

Tani ayaa ka danbeysay, ka dib markii uu kulan la qaatay wasiirka Arrimaha dibadda dalka Morocco, Nasser Bourita.

“Kenya waxay kala laabatay aqoonsiga SADR, waxeyna billowday tillaabooyin lagu burburinayo joogitaanka wakiiladooda dalka Kenya,” Mr Ruto ayaa ku yiri Twitter-kiisa, maalin kadib markii loo dhaariyay inuu noqdo madaxweynaha shanaad ee Kenya.

Waxa uu sidoo kale taageero u muujiyay qaab-dhismeedka Qaramada Midoobay, ee kormeeraya khilaafka Saxaraha Galbeed, kaasoo ay taariikh ahaan sheegato dowladda Morocco.

Dhanka kale goobahani, ayaa waxaa ka socda dhaqdhaqaaq madax bannaani doon ah, oo ay wado Polisario Front.

Madaxa SADR, Brahim Ghali, ayaa ka mid ahaa madaxdii ka qeyb gashay xaflada caleema saarka Madaweyne Ruto, 13-kii bishan Sebtembar.

Saxaraha Galbeed, ayaa waxaa aqoonsaday ururka ay ku mideysan dalalka Afrika, ee la yiraahdo Midowga Afrika.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post