957 Views

Guddoomiye Shuute oo Saraakiisha Ciidanka degaanada Galmudug, uga digay inay ka qeyb qaataan dagaal beeleedyada.

Guddoomiye Shuute oo  Saraakiisha Ciidanka degaanada Galmudug, uga digay inay ka qeyb qaataan dagaal beeleedyada.
____________________________________________________________________________



Feb: 18/2/2021

Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamada darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka sida oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu digniin adag uu u diray saraakiisha ciidanka ee ku sugan deegaanada Galmudug.

Guddoomiye Shuute ayaa Saraakiisha Ciidanka ugu digay in ay ka qeyb qaataan dagaal beeleedyada ka dhaca degaanada Galmudug, isagoona sheegay in tilaabo adag laga qaadi doono saraakiisha lagu arko iyagoo ka qeyb qaadanaya dagaal beeleedyada.

Mr Shuute ayaa shaaca ka qaaday in maxkamada ay la xisaabtami doonto cid kasta oo lagu helo in ay ka qeyb qaadatay falal ka baxsan mida uu ogol yahay sharciga, sida uu hadalka u dhigay.


Guddoomiyaha ayaa sidoo kale in sababta deegaanada Galmudug ugu hergeliyaan maxkamada ay tahay sidii gacan bir ah looga qaban ciidanka ka qeyb qaadanaya dagaal beeleedyada.

ffice Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post