534 Views

Guddiga doorashooyinka Guddoonka Golaha Shacabka oo guddoon doortay

Guddiga doorashooyinka Guddoonka Golaha Shacabka oo guddoon doortay
____________________________________________________________________________

Waxaa Maanta kulankii uu horreeyay magaalada Muqdisho ku yeeshay Guddiga doorashooyinka Guddoonka golaha Shacabka, iyaga oo maanta doortay Guddoomiye iyo xoghayaha guddiga.

Guddiga oo ka kooban 10 Xubnood ayaa waxaa ay guddoomiye u doorteen Wasiirkii hore ee Wasaaradda Amniga Soomaaliya Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed kana mid ah Xubnaha mucaaradka oo helay 5 Cod halka xogheyn loo doortay Xildhibaan Maxamed Abuukar Cabdi oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed, kaas oo helay 4 Cod.

Xubnaha maanta la doortay oo hadlay ayaa sheegay inay si daacad ah ugu Shaqeyn doonaan Shaqada loo igmaday si si deg deg ah loogu qabto doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo labadiisa kuxigeen.

Guddiga doorashooyinka Guddoonka golaha Shacabka ayaa laga sugayaa inay diyaariyaan soona saaraan Jadwalka xilliga la qabanayo doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo labadiisa kuxigeen.

Madaxda Sare ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay guddoomiyeyaasha Kumeel gaarka ah ee labada Aqal in si deg deg ah loo qabto doorashada guddoonka labada Aqal si loogu gudbo doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post