624 Views

Biyo dhaamin loo sameeyay qoysas ku nool magaalada Caabudwaaq

Biyo dhaamin loo sameeyay qoysas ku nool magaalada Caabudwaaq
____________________________________________________________________________

 Isniin: March 14, 2022

Xili Qaybo badan oo ka mid ah Gobalada Dalka uu ka Jiro jiilaal dheeraaday oo saamayn ku yeeshay Dad iyo duunyaba ayaa waxaa dhankale kale socdo dadaalo Gurmadyo Biyo dhaamin ah oo loo samaynayo dadka iyo duunyada jiilaalku saameeyey.

Dadka uu Jiilaalka Dheeraaday saamaynta ku yeeshay oo ah danyarta reer guuraaga ah ee nolashoodu ku tiirsanayd Xoolaha nool ayaa haatan la daalaa dhacayo xaalad Nolaleed oo adag kaddib markii biyo iyo baadba loo waayay xoolihii ay haysteen.

Muxsiniin Soomaaliyeed oo ka damqaday baahiyaha biya la’aaneed ee is daba jooga ah ee laga soo sheegayo Dhulka Reer Guuraaga ayaa w6ado dadaalo ay gurmayo ku gaarsiinayaan Bulshadaas.

Dahabshiil Foundation qaybteeda Degmada Caabudwaaq ayaa 100 booyadoo oo biya ah ugu deeqday bulshada uu saameeyey jiilaalka dheeraaday ee deegannada Hoos-yimaado degmada Caabudwaaq ee Gobalka Galgaduud.

Deegaanka Jaleel oo dhanka Waqooyi kaga beegan Degmada Caabudwaaq oo ka mid ah Goobaha Biyo dhaaminta ay ka samaysay Dahabshiil.Foundation ayaa waxaa bulshada ku nool.ay Mahadcelin ujeediyeen maamulka iyo mas’uuliyiinta Dahabshiil Foundation oo ay sheegeen waqti Adag in Biyahan ay soo Gaarsiiyeen.

Deegaano badan oo ka mid ah Galmudug ayaa deeqahan biyaha ah ee ay bixinayso Dahabshiil Foundation si siman uga bilaabeen maanta oo Isniin ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post