465 Views

Sarkaal Al-shabaab ah oo isku soo dhiibay Galmudug

Sarkaal Al-shabaab ah oo isku soo dhiibay Galmudug
____________________________________________________________________________

Arbaco: AUGUST 3, 2022

Xubin ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab, ayaa isku soo dhiibay ciidamada Daraawiishta Dowlad Goboleedka Galmudug.

Saraakiisha ayaa sheegay in Ninka isku soo dhiibay ciidan uu Al-Shabaab ka ahaa Sarkaal, islamarkaana u qaabilsanaa deegaanada Koofurta Gobolka Mudug.

Sidoo kale, waxay tilmaameyn in Sarkaalkan uu isku soo dhiibay ciidamada daraawiishta Galmudug ee fadhigoodu yahay Degmada Wisil ee Koofurta Gobolka Mudug.

Saraakiisha ma aysan baahin magaciisa ruuxaan ay sheegeen inuu isku soo dhiibay magaciisa, balse waxay xuseen in maalmaha soo socda ay soo bandhigayaan xogta Ninkaan oo dhamaystiran.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post