237 Views

Wasiirka arrimaha gudaha Nigeria oo in uu la kulmay guddoomiyeyaasha maamul goboleedyada dalkaasi.

Wasiirka arrimaha gudaha Nigeria oo  in uu la kulmay guddoomiyeyaasha maamul goboleedyada dalkaasi.
____________________________________________________________________________

Axad: October 9, 2022

 

Wasiirka arrimaha gudaha Nigeria ayaa sheegay in uu qorsheynayo in uu la kulmo guddoomiyeyaasha maamul goboleedyada dalka si go’aan looga gaaro sii deynta ugu yaraan boqolkiiba 30 maxaabiista ku xiran xabsiyada dalkaasi.

Mr. Rauf Aregbesola waxa uu sidaasi sheegay mar uu ka hadlayay kulan wacyigelin ah oo ay soo qaban qaabisay Wakaalada Wararka ee Nigeria, NAN, oo ka dhacay Abuja.

Wasiirka ayaa sheegay in hindisahan uu yahay mid loo baahan yahay maadaama boqolkiiba 90 dadka ay u xiran yihiin ku xadgudubka shuruucda kala duwan ee dowlad goboleedyada.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in in ka badan 70 boqolkiiba 75,635 maxbuus oo hadda xabsiga ku jira ay sugayaan maxkamad.

“In la yareeyo ciriiriga ka jira 253 xabsi oo Nigeria oo dhan waa lagama maarmaan sababtoo ah qaar ka mid ah maxaabiista waa inaysankusii jirin xabsiga,” ayuu yidhi.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post