552 Views

Cumar Cabdirashiid oo weerar culus ku qaaday madax goboleedyada dalka

Cumar Cabdirashiid oo weerar culus ku qaaday madax goboleedyada dalka
____________________________________________________________________________


khamiis: January 20, 2022

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya ee dib loo bilaabay, kadib heshiiskii Muqdisho.

Cumar Cabdirashiid ayaa marka hore walaac ka muujiyey hannaanka doorashada, wuxuuna sheegay in weli kuraasta baarlamaanka lagu hayo boob, sida uu hadalka u dhigay.

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa shaaciyey in boobka socda uu ka awood badan yahay habraacyada doorashada ee lasoo saaray, taasina ay keentay in la xakameyn waayo.

Sidoo kale wuxuu weerar afka ah ku qaaday madax goboleedyada oo uu tilmaamay in awooda oo dhan loo gacan geliyey, isla-markaana ay iyagu maamulanayaan ergooyinka, halkii beelaha u madax bannaan lahaayeen, ayna soo saarayaan xildhibaano daacad u ah.

“Sida bareerka ah ee gacmaha loola galay qabaa’ilada kuraastooda waxay keentay in la xakamayn waayo, waayo habraaca doorashada waxaa awood lagu siiyay dowlad goboleedyada in ay yeeshaan awoodda ergooyinka halkii beelaha u madax bannaan lahaayeen arrintaas,” ayuu yiri ra’iisul wasaare hore Mudane Cumar Cabdirashiid.

Sharmaarke oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in arrintan ay keeni karto in xoog lagula soo baxo xildhibaanka la rabo, taasina ay tahay mid xilligan aan habooneyn.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan doorashada Golaha Shacabka ay ku socoto si dardar leh, isla-markaana qorshuhu yahay in lasoo gabagabeeyo 25 Febraayo ee 2022.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa ku daahday xaaladda adag ee kala guurka ah, taas oo ka dhalatay muranada heereeyey doorashada oo dib u dhacday muddo hal sano ah

By Istar Cabdi Yuusuf 

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post