327 Views

Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo garay deegaanka Geel-gub si ay uga Qeyb qaataan Dagaalka Alshabaab ee Shabeelada dhexe.

Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo garay  deegaanka Geel-gub  si ay uga Qeyb qaataan Dagaalka Alshabaab ee Shabeelada dhexe.
____________________________________________________________________________

Talaado: OCTOBER 4, 2022

Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa gaaray deegaanka Geel-gub oo kaabiga ku haya halka loo yaqaano Masjidka Cali Gaduud ee gobolka Shabeelada dhexe.

Sida lagu baahiyey warbaahinta Dowladda Ciidanka hada gaaray Deegankan Geel-gub ayaa ah Ciidan xalay ka baxay Magaalada Muqdisho si ay uga qeeyb qaataan dagaalka ka dhanka Kooxda Al-shabaab.

Ciidamada iyo Sarakiishii hoggamineysay ayaa sheegay in si nabad ay ku galeen deegaankaas hadana ay Ciidanku howlgallo ka wadaan.

Dhanka, qabsada ciidamada Dowlad ee deegaanka ayaa ku soo aadeysa iyadoo Kooxda Al-shabaab ay maanta goobta Masjidka Cali Gaduud ee Gobolka Shabeelada dhaxe ku soo bandhigeen dad shacab ah oo hubeysan kuwaas oo ay ku sheegeen inay la dagaalami doonaan ciidamada Dowladda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post