831 Views

Waa tuma gabadha gilgilaysa kursiga HOP097 ee Khadiija Diiriye ay ku fadhido?

Waa tuma gabadha gilgilaysa kursiga HOP097 ee Khadiija Diiriye ay ku fadhido?
____________________________________________________________________________

Arbaco : November 10, 2021

Guud ahaan Soomaaliya waxaa maalmaha soo aaddan bilaabmi doona doorashada kuraasta Aqalka Hoose ee Soomaaliya oo kuwo badan oo ka mid ai ay xiisad gaar ah leeyihiin. Waxaana ka mid ah kursiga lagu magacaabo HOP097.

Xildhibaan, sida oo kalena ah wasiirka arrimaha gargaarka ee Soomaaliya Khadiija Maxamed ayaa kursigaas ku fadhiday labaatankii sano ee u danbeeyey.

Xildhibaan Khadiijo Diiriye Waxay u aragta in sababta ay u soo laalaabato ay tahay in beesheedu ku qanceen isla markaana ay jirto doonista rabbi.

“Horta waxaan leeyahay haddaan Soomaali nahay umad muslim ah ayaan nahay, bixinta ALLE ayaa iska leh, ciddii uu doono ayuu mansab siiyaa ciddii uu doonana ma siiyo aas kow”, ayey tiri mar ay BBC-da wareysi ka siisay kadib markii 20 sanno ay u xirantay intii ay kursiga ku fadhiday sanadkii hore.

Waxay intaa ku dartay: “Labo, bahasha iyadaa i barganaysay oo hidde iiga timid, haween ahaan keliya ma ahayne reer ahaan. Reerkayga waa isoo hormariyay mudaddii burburku jiray oo kursigayga saxan dahaba ayaa la soo saaray. 30 kiisanno ee ka horeysayna kacaankii, eedaday Faadumo Cumar Xaashi, ayaa ku jirtay marka bahal i bar-garanaysana waa timid een nasiibku waa i saaciday bixinta Allana waa meesheeda.”

Wareysiyo kale oo ay warbaahinta siisay ayay u muuqatay in ay sheegayso in aysan jirin qof beesheeda ka mid ah oo kursiga kula loolama, balse hadda waxa ay u eg tahay in markii ugu horreysayay tartan culus waajihi doonto.

Waaa ayo qofka tartankaasi ka iman doonaa dhankiisa?

Haweenay lagu magacaabo Baarliin Maxamuud Biin, ayaa sheegtay in ay doorkan u taagan tahay kursigaas.

Waxaana maalmihii u danbeeyey ay abaabul iyo olole ka wadday magaalada Muqdisho.

Baarliin ayaa sida ay BBC-da u sheegtay ku dhalatay magaalada Muqdisho sannadkii 1976-dii, bishii Ogoosto iyada oo halkaa ku barbaartay, waxna ku baratay illaa laga gaadhayey dugsiga sare.

Waxa ay sheegtay in xilligii dagaalladu ay qarxeen Soomaaliya ay ugasii wareegtay dalka Kenya.

Kaddibna ay sii gashay dalka Imaaraatka Carabta, uga sii gudubtay Talyaaniga ugu danbeyna ay degtay oo ay u guurtay dalka Ingiriiska, halkaasna ay ku guursatay.

Iyada oo kolkaas sii wadday waxbarashadeedii sare , waxayna baratay culuumta Maamulka Ganacsiga.

Baarliin ayaa hooyo u ah lix carruur ah, iyada oo aanan waligeed kasoo mid noqon siyaasadda Soomaaliya.

Maxaa ku dhaliyey xilkaan?

 

Waxa ay sheegtay in muddadii badnayd ee ay qurbaha ku maqnayd ay doonaysay in ay dalka dib ugu soo laabato.

‘Waan ku haminayaayey in Soomaaliya ku soo noqdo, illaahay qaddarkii doorashadan ayaa ay noqotay” ayay Baarliin BBC-da u sheegtay.

Kursigan oo Khadiija ku fadhiday muddo dheer ayaa loo tixgeliyaa mid ka mid ah kuraasta ay adag tahay in uu helo qof aan iyada ahayn, maadaama qofka ku fadhiyaa muddo dheer siyaasadda Soomaaliya ay ku jirtay.

Baarliin ayaa se aaminsan in ay guul gaadhi doonto kursigan iyada oo sheegtay in reerkeedu ku dhaliyey in ay u tatantana.

“Waxaa ku dhalin kara qof kasta, sida uu u raadsan karo kursiga beeshiisa, labaatan sano ka bacdina gabadha ku fadhidaa dhawr jeer ayay sheegtay in ay daashay, sidaa darteed ayaan u imi” ayay tiri Baarliin oo u muuqatay in ay ka jawaabaysay hadallo ay warbaahinta siisay Khadiijo oo ay ku sheegtay in ay weysay qof ay xilka ku wareejiso, haddii la helana ay iyadu u banayn doonto.

“Tolkay ayaa i keenay oo igu dhegay oo i yidhi lagaama maarmo, 2016-ki ayay ahayd dib bay se u dhacday sidaas ayaanan hadda u joogaa” ayay Baarliin sii raacisay hadalkeeda.

Sida lagu yaqaanno siyaasadda Soomaaliya muddooyinkii u danbeeyey waxaa jirey shakhsiyad badan oo isusoo taaga xilal, haddana kolka gaadho xiliga tartanka tanaasula.

Baarliin, oo BBC-du weydiisay in ay tanaasuli doonto iyo in kale waxa ay sheegtay in illaa laga gaadhayo marka u danbeysa ay nasiibkeeda qaadi doonto oo ayna tanaasuli doonin.

“May, taas ma aha go’aankayga oo ma tanaasuli doono”.

“Tani waa mawqifkayga, qofkii ilaahay u calfo ee beeshu doorato ayaa ku fadhiisan doono, anna waan ku qanacsanahay in aa heli doono”

Baarliin ayaa sheegtay in Khadiija ay is yaqaanneen yaraanteedii, lana gaadhay xilligii ay kursiga bannayn lahayd.

“Khadiija waan aqaannay, iyada rer Jawhar ahaayeen anna reer muqdisho xilliyo hore waa jirtey in aannu is aragno siiba mar aannu guri qoyska ah ku kulannay, se waan yaraa. “. Khadiijo Diiriye oo dhowaan warbaahinta gudaha ay wax ka weeydiisay musharaxa la loolamaysa ayay sheegtay in aysan aqoon u lahayn.

Maxay ka tidhi Khadiija Maxamed Diiriye?

Khadiija Maxamed Diiriye ayaa ku soo jirtey shan Baarlamaan oo kala duwan, dhowaan xaflad balaaran oo Muqdisho ka dhacday oo ay dhigeen

taageereyaasheeda ayay kasoo muuqatay, waxana ay ka shaacisay in ay taagantahay, iyada oo meesha ka saartay in xilka meertada ah uusan ahayn kan baarlamaanka ee qof beeshiisa u dooratay.

“Xilka raysalwasaaruhu ii magacaabay ayaa meerto ah oo la iga qaadi karaa, kan se dadkaagu kuu dhibtay adaa haynaayo. Dadkaygaana iga dhigay amiirad.”

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post