2010 Views

Austriya Oo Xiraysa Todobo Masjid Oo Ku Yaalla Dalkeeda

Austriya Oo Xiraysa Todobo Masjid Oo Ku Yaalla Dalkeeda
____________________________________________________________________________

Muqdisho June 08, 2018 —Hoggaamiyaha Dalka Austria, Sebastian Kurz, ayaa Maanta oo Jimca ah shaaca ka qaaday inay Dowladdiisu xidheyso Toddoba masjid, 40 Imaamna ay Dalka ka saari doonto.

Chancellor-ka Austria ayaa hadalkan ka sheegay mar ay si wada jir ah shir jaraa’id u wada qabteen isaga, ku xigeenka Madaxweynaha Heinz-Christian Strache iyo wasiirkiisa arrimaha midowga Yurub Gernot Blumel, isagoo tallaabadani ku tilmaamay mid qayb ka ah siyaasadda  lagula dagaallamayo Islaamka.

Sebastian Kurz, ayaa sheegay in baaritaan ay samaysay wasaaradda dhaqanka iyo arrimaha gudaha lasoo gabagabeeyay, iyagoo markaa go’aansaday in Albaabbada laysugu dhufto Toddoba masjid oo uu mid ka mid ihi leeyahay Ururka dhaqanka Islaamka ee Turkiga (ATIB).

 

Ra’iisul Wasaaraha Austria,Sebastian Kurz, ayaa intaa ku daray in Imaamyada laga masaafurin doono Dalkiisa, sababo uu ku sheegay inay dhaqaale u diraan Dalka Dibeddiisa.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment