300 Views

Diyaaradaha dagaalka Maraykanka oo mar kale soo riday shay aan la aqoonsan

Diyaaradaha dagaalka Maraykanka oo mar kale soo riday shay aan la aqoonsan
____________________________________________________________________________

Axad: February 12, 2023 

Diyaarad dagaal oo uu leeyahay Mareykanka ayaa shay aan la aqoonsan waxa ay ku soo riday waqooyiga galbeed ee Canada.

Waxa uu noqonayaa howlgalkii labaad oo noocan ah oo ka dhaca waqooyiga Ameerika maalmo gudahood.

Saraakiisha Canada ayaa sheegay in shayga yar uu halis geliyay isu socodka hawada rayidka.

Burburka ayaa la falanqeyn doonaa si dhinacyo badan looga eego.

Burburkii shay labaad oo Jimcihii laga soo dejiyay Alaska ayaa waxaa baaraya ciidamada Mareykanka.

Bayaankii ugu dambeeyay ee Pentagon-ka ayaa lagu sheegay in diyaarado dagaal loo diray si ay u baaraan cillad aan fiicneyn oo hawada ah oo laga helay Montana.

Waxa ay sheegtay in aan la helin shayga balse saraakiishu ay sii wadi doonaan la socodka xaalada.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post