2223 Views

BAYAAN: “Kursi lagu ilaashanayo dano ganacsi laguma matali karo beesha Macalin Dhiblaawe”

BAYAAN: “Kursi lagu ilaashanayo dano ganacsi laguma matali karo beesha Macalin Dhiblaawe”
____________________________________________________________________________

Waxgarad isugu jira odayaal, aqoonayahanno, haween iyo siyaasiyiin ka soo jeeda beesha Macalin Dhiblaawe, oo ka tirsan beelwaynta Mudulood ayaa shir ay Muqdisho isugu yimaadeen shalay [7-10-2010] waxay baaq ugu direen Dowladda Soomaaliya & Maamulka Galmudug in beeshaasi aanu metelin Cabdullaahi Cali Axmed oo loo yaqaan [Caddoow Cali Gees] oo muddo 8 sanno ah, ay sheegeen in sifo ku danaysi ah uu ugu fadhiyay kursiga beeshaasi ku leedahay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Guddi ay waxagaradkaasi iska dhex doorteen oo 5 xubnood ka koobban oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in baaqooda ku sheegayaan in dulqaadkii ay u hayeen Xildhibaan Cadow Cali Gees uu ka dhammaaday, aysanna oggolaan doonin in kursigaasi uu noqdo mid “Manoply” uu ku haysto Caddow.

“Waxaa nagu maqaalo ah inuu Muqdisho ku soo jeedo maalmaha soo socda, annaga oo ixtiraam iyo qaddarin u hayna, waxaan u diraynaa baaq aan kaga dalbanayno inuu ka tanaasulo kursigaasi, haddii uu baaqeena dhagaha ka furaysto waxaan ku hor-banaanbixi doonaa gurigiisa iyo xafiiskiisa waxaanna diyaarsanay boorarkii” Ayuu yiri Cabdullaahi Cabdi Xuseen oo ka mid ah guddi 5 xubnood ka koobban oo ay soo doorteen 180 waxgarad oo shirkii shalay ka qaybgalay.

“Waa ninka keliya ee dhaqaalaha ugu badan ku bixiya kursi xildhibaan, dadka uu metelo maalinta la doorto ayaa ugu dambeysay, beesha Macalin Dhiblaawe waa ka culus tahay beel ilaa heerkaas lagu danaysto” Ayuu yiri Yuusuf Xassan Tifow oo ka mid ah waxgaradkii saxaafadda la hadlay.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post