900 Views

Cumar Cabdirashiid oo ka digay muddo kororsi & xasilooni darro

Cumar Cabdirashiid oo ka digay muddo kororsi & xasilooni darro
____________________________________________________________________________


Muqdisho, April 08, 2021
–Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake kana mid ah Xildhibaannada Aqalka Sare ayaa ka hadlay shirkii natiijo la’aanta kusoo dhamaaday ee Afisiyooni iyo waxa ka dhalan kara.

Cumar Cabdirashiid oo qoral soo dhigay Bartiisa ayaa waxaa uu sheegay in sababaha shirka loo fashiliyay ay tahay in la sameeyo muddo kordhin an heshiis lagu aheyn.

“Ujeedada laga leeyahay in la carqaladeeyo wadahadalada su ay u burburaan  waa  kordhinta waqtiga hay’adaha dowladda, iyada oo uusan jirin heshiis siyaasadeed oo taageeraya, waxayna kaliya halis ugu jirtaa inay keento xasillooni darro iyo kala qaybsanaan ayu yiri” Cumar Cabdirashiid.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay  arrimahaan oo kale lagula xisaabtamo hoggamiyeyaasha ka hor inta aysan xaaladdu sii xumaan.

Warkaan kasoo baxay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli shalay uu asfjil ku dhamaaday shirkii Afisiyooni, isla markaana ay isku eedeeyeen Villa Soomaaliya & Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post