750 Views

Shir ka furmaya magaalada baydhaba oo ay iskugu imaan doonaan Xubno ka socda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka.

Shir ka furmaya magaalada baydhaba oo ay iskugu imaan doonaan Xubno ka  socda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka.
____________________________________________________________________________

Axad February 14/2/2021

Waxaa Axadda maanta ah lagu wada in magaalada Baydhaba ee gobolka Bay ay isugu tagaan guddiyo min laba xubnood ah oo ka kala socda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa shalay maamul goboleedyada u diray warqad uu uga dalbaday inay soo diraan min laba xubnood ugu dambeyn 13-ka bishaan oo shalay aheyd.

Xubnahaas ayaa loo xil-saarayaa inay ka soo shaqeeyaan xal u helida qodobada doodu ka taagan tahay ee doorashada dalka, waxayna soo diyaarinayaan dhowr qodob oo la kala xusho, kuwaas oo ku aadan qodobada muranka dhaliyay ee doorashada Soomaaliya.

Sidoo kale Dowladda federaalka waxaa guddigaas ku metelaya wasiirka dastuurka Soomaaliya iyo Amb. Yuusuf Garaad Cumar Axmed.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post