1686 Views

Sawirro:-Guddoomiye Tuulax Oo Kormeer Ku Tegay Degmo Ka Tirsan Gobolka Banaadir

Sawirro:-Guddoomiye Tuulax Oo Kormeer Ku Tegay Degmo Ka Tirsan Gobolka Banaadir
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 23 Maarso, 2019 –Gudoomiye Ku-xigeenka dhanka ammaanka iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed C/laahi Tuulax ayaa xalay kormeer ku sameeyay hanaanka loo suggo ammaanka Degmada Wadajir.

Gudoomiye Tuulax oo uu wehliyo Gudoomiyaha Degmada Wadajir Cumar Cabdulaahi Xasan iyo Taliyaha Qaybta Galbeed ee Ciidanka Booliska Somaliya Yuusuf Xundubey, ayaa u kuurgalay Afarta Waaxood ee ay ka kooban tahay Degmada Wadajir.

Masuuliyiintaan ayaa socod lug ah ku maray dhamaan Afarta Waaxood ee Degmada Wadajir, halkaasi oo ay ku soo arkeen Ciidamada ammaanka oo shaqeynaya, islamarkaana ku jira xaaladda suggida ammaanka shacabka Degmadaasi.

Gudoomiyaha ayaa Ciidanka ku dhiirageliyay inay sii laba jibaaraan masuuliyadda ka saaran suggida ammaanka, si shacabka Somaliyed ee Degmadaasi ku nool nabad ay ugu seexdaan uguna soo toosaan.

Gudoomiye Tuulax ayaa sheegay Kormeerka suggida ammaanka Degmooyinka  inuu yahay mid joogto ah oo loogu kuur galaayo, xilliyada habeenkii & maalintii sida ay u shaqeeyaan Ciidanka amniga ee Degmooyinka Muqdisho ka hawlgala.

“Kormeerkaan ayaa ah mid joogto ah oo aan ku sameyn doono laamaha kala duwan ee amniga xiliyada maalinkii iyo habeenkii si aan u hubino shaqada iyo wada shaqaynta dhaxdooda ah.” Ayuu yiri Gudoomiye Tuulax.

Ciidanka amniga ee ka hawlgala Degmooyinka Gobolka Banaadir, ayaa habeen iyo maalin u taagan suggida ammaanka Degmooyinka & ka hortagga falalka guracan ee Kooxaha  Nabaddiidka ay soo maleegaan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment