1194 Views

Guddoomiyaha Mursal Raisal Wasare Rooble iyo Guddiga doorashooyinka Qaranka oo ka hadlay Geeridii

Guddoomiyaha Mursal Raisal Wasare Rooble iyo  Guddiga doorashooyinka Qaranka oo ka hadlay Geeridii
____________________________________________________________________________

Jimco: August 13, 202

Waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday Caawa fiidkii Guddoomiyihii Guddiga Xalinta Khilaadka ee Heer Federal Cabdullaahi Abyan Nuur, waxaana la sheegay in uu u geeriyooday Xanuunka Covid19, waxaana ka hadashay Madax kala Duwan.

Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa qoraal uu ka soo saaray geerida marxuumka ayaa yiri, “Waxa aan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa dhamaan qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, geerida ku timid Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii Guddiga Xalinta Khilaadka ee Heer Federal Cabdullaahi Abyan Nuur oo ku geeriyoodey magaalada Muqdisho.”

Dhanka kale qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Rooble ayaa lagu yiri, “Naxariistii Janno Allaha siiyo Guddoomiyihii Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka ee Dalka marxuum Cabdullaahi Abyan Nuur oo Muqdisho ku geeriyooday. Waxaan uga tacsiyeynayaa qoyskiisa, asxaabtiisii iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed. Sabar iyo Iimaan Allaha naga wada siiyo, marxuumkana Jannadii Firdows Eebbe ha ugu deeqo.”

Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal ayaa isna qoraal uu ka soo saaray geerida marxuumka waxa uu ku yiri, “Innaa lillaah wa innaa Illeehi raajicuun anigoo ku hadlaya magaca guddoonka iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka Waxaan Qoyskiisa,Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka heer Federaalka iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeynayaa geerida ku timid Allaha ha u naxriistee Marxuum Cabdullaahi Abyan Nuur oo ahaa Guddoomiyihii Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka heer Federaal oo Caawa ku geeriyooday Magaaladda.”

Allaha u naxriistee Marxuum Cabdullaahi Abyan Nuur ayaa xilal kala duwan dalka ka soo qabtay, isagoo mar soo noqday Wasiirkii Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta, xilligii xukuumaddii Ra’iisal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) sidoo kale dhamaadkii sanadkii lasoo dhaafay ayaa loo doortay guddoomiyaha guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka heer federaal..

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post