219 Views

Shirka Horumarinta Xanaanada Xoolaha Oo Laga Soo Saaray War-murtiyeed

Shirka Horumarinta Xanaanada Xoolaha Oo Laga Soo Saaray War-murtiyeed
____________________________________________________________________________

Arbaco: OCTOBER 19, 2022

Shirkan oo uu shir guddoominayey Wasiirka Xananada Xoolaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa Inta uu socdey waxaa looga hadlayey hawlaha hortabinta u leh Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa DFS, Dowlad Goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

falanqeyn iyo dood dheer kaddib shirka waxaa laga soo saarey warmurtiyeed kaas oo ka kooban qodobadan.

1. In la xoojiyo wada shaqeynta iyo xirriirka Wasaaraddaha heer Federaal iyo heer dowlad goboleed, ayadoo saddexdii biloodba mar leysugu imaanayo laguna qabanayo mid ka mid ah dowlad goboleedyada.

2. Si loo dardar geliyo shaqooyinka muhiimka ah waxaa laysku raacay in guddi heer farsamo ah ay kulmaan bishiiba mar.

3. Shirka wuxuu si qoto dheer ugu hadlay abaaraha soo noqnoqday islmarkaana saameynta weyn ku yeeshay xoolaha iyo xoola dhaqatada, sidaa darteed shirka wuxuu soo jeedinayaa in xooga la saaro waxsoosaarka calafka xoolaha, dibna loo soo nooleeyo daaqii qaranka ee lahaa seerooyinka kala duwan sida; (Seero Xiliyeed, Seero Abaareed iyo Seera Guud).

4. Si loo hubiyo badqabka & Caafimaadka bulshada, islaamarkaana looga hortago cudurada ka yimaada xoolaha ee u gudba dadka; shirka wuxuu go’aamiyey in wasaarduhu ay hubiyaan xoolaha loo diyaariyey in la qalo.

Gunaanad Baaqyada Shirka

1. Shirka wuxuu ku baaqay in dhammaan Ummada Soomaaliyeed dowlad iyo shacabba loo gurmado dadka ay abaaruhu saameeyeen.

2. Shirka wuxuu ku baaqay in la badbaadiyo xoola dhaqatada xoolahooda, inta aysan ka dhammaanin.

3. Shirka wuxuu u mahadceliyey Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta & Daaqa XFS oo laheyd qaban qaabada kulanka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post