648 Views

Dowladda Itoobiya oo sheegtay in isbahaysiga ka dhanka ah ee looga dhawaaqay caasimadda Maraykanka

Dowladda Itoobiya oo  sheegtay in isbahaysiga ka dhanka ah ee looga dhawaaqay caasimadda Maraykanka
____________________________________________________________________________

Sabti: November 6, 2021

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in isbahaysiga ka dhanka ah ee looga dhawaaqay caasimadda Maraykanka aanu haysan taageerada shacabka, isla markaana uu yahay mid siyaasad ahaan liita.

Sagaal urur ayaa Washington uga dhawaaqay olole xukunka looga tuurayo Ra’iisal wasaare Abiy Axmed xoog iyo wahadalba kii ay noqoto.

Dagaallo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo dagaalyahanada TPLF ayaa ka socdaa deegaanno ka tirsan gobollada Amxaarada iyo Canfarta.

Shaley ayay aheyd markii taliyaha militariga Itoobiya uu ugu baaqay askartii hore uga tirsanaan jirtay militariga inay dib ugu soo biiraan ciidanka, si ay ula dagaalamaan jabhadda TPLF.

Codsigan ayaa ku soo beegmaya iyadoo xoogaga fallaagada – ee ay hormuud ka tahay TPLF ay u dhaqaaqeen dhanka caasimadda Addis Ababa.

Hadaba xaaladihii u dambeeyay ee Itoobiya waxaa warbixintan ku eegaya weriye Ismaaciil Buurgaabo oo ku sugan Jigjiga.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post