843 Views

Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweynaha Jubaland oo kulan gaar ah ku yeeshay xarunta Madaxtooyada Puntland

Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweynaha Jubaland oo  kulan gaar ah ku yeeshay xarunta Madaxtooyada Puntland
____________________________________________________________________________


Talaado: November 16, 2021

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan gaar ah ku yeeshay xarunta Madaxtooyada Puntland ee Caasimadda Garoowe.

Kulankan oo ahaa mid hordhac ah islamarkaana albaabadu u xiran yihiin ayaa labada mas’uul uga wada-hadleen Arrimaha Doorashooyinka Aqalka hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ay isla soo qaadeen in aysan Doorashada iyagu hor bilaabin si ay u qiimeeyaan Dowlad Goboleedyada kale hadba sida ay u maamulaan doorashada Golaha Shacabka.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale lagu wadaa in ay kulamo dambe ka yeeshaan soo xulidda Xildhibaannada Aqalka Hoose ee ka imaanaya Puntland iyo Jubaland.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post