561 Views

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo amartay in aan la bixin karin lacagtii Imaaradka laga xayiray

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo amartay in aan la bixin karin lacagtii Imaaradka laga xayiray
____________________________________________________________________________

.


Axad: January 30, 2022

Warqad kasoo baxday Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Dr Cabdiqaadir Maxamad Xasan ayaa lagu shegay in aan labixin karin lacagtii Imaaraadka Carabta looga qabtay Garoonka Aadan Cadde Sanadkii  2018.

Maxkamadda Gobolka banaadir ayaa sheegay in aan lasaari karin kacagtaasi sababo la xiira in uu socdo bartitaan oo tan iyo inta laga soo dhameeynayo ay saarnan doonto xayiraad, iyadoona ay sheegtay in kiiska Lacagtani iyo go’aankaba uu horyaalo Xafiiska Xewr ilaaliyaha guud ee Hay’adda Baarista.

Maxkamadda ayaa sidoo kale ku amartay Gudoomiyaha Bangiga dhexe iyo Wasaradda Maaliyadda in aysan saari karin lacagtaasi oo gaareyso {9,600,000} sida ku cad Xafiiska xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Dhawaan ayeey aheeyd markii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ah maxamed xuseen Rooble oo ka guudoomayay Deeg ay Dowladda Imaaradka carabta ugu tallo gashay Dadka ay abaaruhu sameyeen shegay in uu karaali gelinayo lacagtaasi laxayiray sidoo kalana uu dib usoo celin doono, waxa ayana sidoo kale kusoo adeeysaa xili maanta uu ku wajahanyahay Rooble Dalka isu tagga Imaaraadka Carabta.

Dadka sida aadka ah u yaqaan arrimaha qaanuunka ayaa qabaan in sharciyan Maxkamadda Gobalka Banaadir aysan geli karin dacwad maamul balse ay tahay arintaani howlo uyaal Maxkamadda Sare ee dalka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post