933 Views

Wasiirka Gaadiidka Soomaaliya oo la kulmay Danjiraha Qadar

Wasiirka Gaadiidka Soomaaliya  oo la kulmay Danjiraha Qadar
____________________________________________________________________________

Sabti: February 12, 2022

Wasiirka Gaadiidka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Duran Axmed Faarax ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dawladda Qadar ee Soomaaliya Mudane Xasan Bin Xamsa Hashem waxayna kawada hadleen iskaashiga labada dal iyo sidii kor loogu  qaadi lahaa.

Ugu horrayn Danjire Xasan ayaa Wasiirka warbixin kasiiyay iskaashiga labada dal iyo sida saaxiibtinimadda leh ee dawladda Qadar uga qayb qaadanayso dib u dhiska Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay ka fuliyeen mashaariic horumarineed haatan ay diyaar u yihiin in intaas ka badan labada dal horumarkooda iska kaashadaan.

Wasiirka Gaadiidka Duran Farah ayaa ka mahad celiyay taageerada Qadar ee Soomaaliya, iyadoona dhankiisa uu sheegay in muhiimad wayn ay leedahay iskaashi dhanka duulimaadyadda iyo horumarinta Garoomada diyaaradaha ah inuu dhex maro dawladdaha Soomaaliya iyo Qadar.

Ugu dambayn Wasiir Duran Farah ayaa adkeeyay iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Qadar.Wasiirka Gaadiidka Soomaliya  oo la kulmay Danjiraha Qadar.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post